Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada racfaanka oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa si caro leh uga jawaabay haddal kasoo yeeray qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo maalmahaani DFS ku eedeeynayay inaysan waxba ka qaban cadaalada.

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay kala garan waayen iska dhicinta dowlada iyo xaqiiq sheegida, waxa uuna arrin aad looga xumaado ku sheegay haddalka ah in dadka shacabka ay u cadaalad doontan Maxkamadaha Al-Shabaab.

Waxa uu Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi sheegay in ilaa iyo hadda wararkaas aan waxba ka jirin, isla markaana aan loo heyn cadeyn buuxda in loo cadaalad doonto Maxkamadaha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Garyaqaanka in xukunada Al-Shabaab ay yihiin kuwo ku eg keliya goobaha ay ka arimiyaan isla markaana aysan soo gaarin magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in deegaanada ay Al-Shabaab maamulan ay taasi macquul tahay inay ka dhacdo balse Magaalada Muqdisho dad isku-heystay dhulal iyo waxyaabo kale inaysan Al-Shabaab u kala xukumi Karin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada ayuu sheegay inay yihiin kuwo ka beensheegaya xaqiiqda ka jirta dalka waxa uuna cod dheer ku sheegay in eedeymaha noocaasi ah ay qaadan doonaan waa haddii loo helo cadeymo rasmi ah.

Haddalka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ay DFS ku eedeeyen inay ku fashilantay cadaalada isla markaana dadka shacabka ah ay cadaalad u doontaan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this