Jacaylbaro Posted May 14, 2009 hadhwanaag 2009-05-13 (Hadhwanaagnews) Xaflad sugaaneed aad loo soo qaban qaabiyay ayaa habeenkii xalay ka qabsoontay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hotel Imperial. xafladaasi oo lagu soo dhawaynaayay Qoraaga caanka ah ee Aw Jaamac Cumar Ciise xafladasi oo loogu magac daray, "Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Cawayska Hargeysa" ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay oo khudbad ka waramaysa taariikh nololeedka qoraaga soo jeediyay qoraaga kale ee caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale waxana hadalada qoraaga ka mid ahaa "laba sano ka dib daraawiishtii ayuu abwaanku dhashay meesha la yidhaahdo 'Dharoor' halkaasi oo uu ku barbaaray isaga oo carabiga iyo diintaba ku bartay ka dib waxa u abwaank u bilaabay in uu Dooni u raaco Yemen isaga oo ku dambeeyay Xoolo dhaqato. ka dib waxa uu galay abwaanku xeryihii diinta markaasi oo ay u bilaabantay qorista Buuugaagta. ugu horayn waxa uu qoray saddex buug oo ku baxaayay luuqada carabiga waxana ka mid ahaa buugaagta uu alifay, buugii la odhan jiray Taariikhda Somalida,Horseedka leegada iyo dhagartii gumaysiga. ka dib khudbadaasi waxa isna halkaasi ka hadlay Abwaanka lagu soo dhawaynaayay ee Aw Jaamac Cumar Ciise, isaga oo u mahad naqay Boobe Yuusuf kuna tilmaamay ninkii hir geliyay Madashan Suugaaneed, isaga oo ugu horayn yidhi "Nin Gaaban Odhaahdiina Gaaban" Abwaanku waxa kale oo uu sheegay in uu gabayadii ugu horeeyay uu la dhex maray 16 Gobol oo ka mid ah Jamhuuriyadii burburtay ee Somaliya. waxa kale oo uu sheegay abwaanku in u ku talo jiro in uu soo bandhigo laba buug oo u kala baxaaya, carabiga iyo somaliga ugu dambayntii waxa uu usoo jeediyay Abwaanku dhalinyartii madashaasi fadhiday in ay isku dayaan in ay wax qoraan isaga oo ka codsaday dhalinyarta in ay somaliga nooleeyaan. Gebo gebadiina waxa halkaasi su`aalo ku saabsan taariikhda aqooneed ee suugaanta somalida lagu weydiiyay Abwaan Aw Jaamac Cumar Ciise kuwaasi oo uu dhamaantood si saraaxad leh uga jawaabay iyada oo ay bar bar fadhiyeen qaar ka mid ah abwaanada ugu caansan Magaalada Hargeysa, sida Muuse Cali Faruur,Axmed Aw geedi, Yuusuf Shaacir iyo qaar kale kuwaasi oo mar marka qaarkood ku ladhaayay abwaanka jawaabo ku saabsan su`aalaha la weydiiyay. dhamaan dadkii goobtaasi yimi xalay waxa ay ka tageen xaflada iyaga oo ka bogtay aqoonta Aw Jaamaca Cumar Ciise oo ay maqal mooyaane aragti aanay ku arag Quote Share this post Link to post Share on other sites