Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Nin kasoo jeeda qabiil laga awood badan yahay oo loo dilay loona gubay gabar uu guursaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo aad looga naxay ayaa maanta waxa ay ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaasi oo nin lagu dilay kadibna lagu gubay.

Ehelada Ninkaas oo lagu magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeyeen qaabka ninkaasi loo dilay kadibna loo gubey.

Ninka oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar ka doontay waalidiinteeda, waxaana siiyey aabaheed balse sida la sheegay waxaa u diiday gabadha hooyadeed iyo walaalaheed, kuwaas oo maanta ku weeraray garaashkii uu joogay.

Waxaa ehelada ninkaas ay sheegeen in hooyada dhashay gabadha wiilka la siiyey iyo walaalaheed ay weerareen, isla markaana markii hore ay ku dhufteen waran, intaasi kadibna ay dhaawac soo gaarey kadib ay dab qabadsiiyeen, sidaasina uu ku dhintay.

Dhacdadaan maanta ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka badanaa lagula kaco dadka laga tirade badan yahay ee jeclaada gabdhaha ka dhashay qabiilada awoodda ku leh Soomaaliya.

Dadkii falkan gaystay Ayaan weli wax tallaabo ah aysan ka qaadin dowladda, mana jiro wax war ah oo dowladda kasoo baxay.

Sawirrada ninkan laga gubay oo aad loo wareejinayo baraha bulshada, islamarkaana ay heshay Caasimada Online, ayaan usoo gudbin karin akhristayaasha, sababo al xiriira inaan xaqiiqdii la eegi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this