Sign in to follow this  
Deeq A.

“Soomaaliya ayaa ciidamo u direyso Koonfur Sudan waa cayaar cusub oo IGAD ay dheeleyso”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.

Hase yeeshee George Musamali oo ah agaasimaha Xarunta Mareynta Halisaha ee Afrika ayaa arrintan ku tilmaamay cayaar lagu samaynayo maskaxda dadka.

“Sawirka IGAD ay bixineyso ayaa ah inay muujiso inay xasilisay Soomaaliya, waxay ku cayaarayaan maskaxda dadka, oo ay u sheeegayaan in xasiloonida Soomaaliya ay joogto heer ay ciidamadeeda u diri karto dalal kale, balse taasi waa fikrad qaldan, wax ay ahaataba waxaa cad in Al-Shabaab weli ku baashaaleyso Soomaaliya” ayuu yiri Musamali.

“Soomaaliya diyaar uma ah inay ciidamo gayso meel ka baxsan xuduudaheeda. Xaqiiqda ayaa ah, inayba tahay in la xoojiyo ciidamada hadda joogo Soomaaliya ee Midowga Afrika, islamarkaana si wanaagsan loo qalabeeyo, si ay ula tacaalaan dhibaatooyinka ka dhex jira Soomaaliya, ee ma ahan in ciidamo laga qaado Soomaaliya, gudaha ayaa looga baahan yahay”. Ayuu yiri Musamali.

IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur sudan.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay.

Xigasho: VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this