Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo war ka soo saartay inay ciidan u direyo Koonfur Sudan iyo in kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.

Isaga oo ka hadlayey Muqdisho, ayaa wasiirka ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabir, waxa uu sheegay in dalkiisa uusan ka laba labayneyn inuu cidamo u diro Koonfur Sudan.

“Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weydiiyaan sidee ayey suurt-gal ku tahay in dal Soomaaliya oo kale ah, oo kasoo kabanaya dagaallo uu ciidamo nabad-ilaali ah diro, laakiin maxaa naga hor-istaagaya inaan ciidamo ku tabarucno. Burundi ayada oo dagaallo ku jirto ayay annaga ciidamo noo soo dirtay, oo ay gacan ka gaysatay dib u dhiska dalkeena, maxaa anaga noo diidaya inaan ka qeyb-galno dhisidda nabadda dal kale oo Afrikan ah”. Ayuu yiri

IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur sudan.

Howlgalka QM ee Koonfur Sudan ayaa waxa uu ka kooban yahay 17,000 oo askari, kuwaasi oo badbaadinaya dadka shacabka ah, islamarkaana gacan ka gaysanaya sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa, halka ay sidoo kalena la soconayaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Soo jeedinta ku saabsan in Soomaaliya lagu daro dalalka ciidamada gaynaya Koonfur Sudan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan inay ciidamo diri karto, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika ee ka kooban 22 kun ee askari.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay.

Isha: VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this