Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mareykanka oo aad u carreysan kadib sir culus oo laga dhex-bixiyey NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa weerar toddobaadkii tagey ciidamada Gaashana ee sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo Mareykanku sheegeen inay ku dileen xubno Shabaab ah balse la xaqiijiyey in Shabaabku guul ka gaareen.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay aad uga carreysan yihiin in Shabaabka ay ka war-heleen weerarka ka hor inta aan la soo qaadin, taasi oo weerarka fashilisay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowr askari oo ka mid ah ciidamada gaashaan weerarka lagu dilay, sidoo kalena lagu dhaawacay askari Mareykan ah, halka qalab badanna lagu furtay.

Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka uu rumeysan yahay in xubno sare oo ka mid ah hay’adda NISA ay bixiyeen xogta weerarka, taasi oo u sahashay Shabaabka inay iska caabiyaan. Weerarka ayaa la sheegay inay ogaayeen oo kaliya xubno kooban oo sare oo ka mid ah NISA.

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay qasab ku noqotay inay dhar cusub iminka usoo dirayaan ciidamada Gaashaan, maadaama Shabaabka haystaan dharkii hore, taasi oo u sahli karta inay weeraro fuliyaan ayaga oo iska soo dhigaya ciidanka.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa horey u xaqiijiyey in xubno bixiya sirta sirdoonka Soomaaliya ay ku dhex-jiraan NISA, ayna adkaan doonto in laga adkaado Shabaab inta ay taasi jirto.

Hoos ka arag dharka iyo qalabka ay qabsadeen Al-Shabaab.

35-Copy.jpg 33-Copy.jpg 29-Copy.jpg 24-Copy.jpg 14-Copy.jpg 01-Copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this