Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa dareemi kartaa halista uu dalka ku jiro marba hadii ay DF shaqada ka Erisay Askar ka tirsan Sirdoonka dalka” waxaa yiri..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hay’adda NISA ay shaqada ka ceyrisay ciidamo farabadan oo sanado badan usoo halgamaayay sida dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Eryinta ciidamadan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Macalin Cali oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ee BFS, waxa uuna tilmaamay in aan waxba laga soo qaadin halgankooda.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in macluumaad uu helay uu muujinayo in Hay’adda NISA ay erisay ilaa 200 oo askari oo ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ka tirsanaa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu cod dheer ku sheegay in ciidamadaasi la eryay ay shaqo la’aan ku heyso Magaalada Muqdisho taasina  badalkeeda ay suurta gal tahay inay ka qeyb qaataan amni darida ka jirta Magaalada.

Xildhibaanka waxaa uu dalbaday in arimahaasi wax badan laga qabto, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in ciidamo heer Sirdoon ah la eryo kuwaa oo ay suuragal tahay inay ku biiran Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa dareemi kartaan dhibta ay leedahay in la eryo askari sirdoon ah, waxaa ku filan keliya in xogta uu la wadaago cadowga”

Sidoo kale, dowlada ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka fiirsato ciidamada ay ka erineyso shaqada hadana lagu dhex fasaxaayo magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan haddalka Xildhibaan Macalin Cali aan wali ka jawaab celin dowlada Somalia haddii uu hadalkaasi yahay mid saxa ama khalad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this