Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso 2 arrin oo sabab u ah Qaraxyada & Dilalka maalmahan kusoo noq noqday  MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmahaani magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaya Qaraxyada iyo dilalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab la eeganayan Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha dowlada.

Qaraxyada maalmahani ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa u badan kuwa loo adeegsado Bam gacmeedyada iyo Miinooyinka lagu aaso hareeraha waddooyink magaalada.

Qaraxyada nagu cusub ayaa waxaa kamid ah kuwo loo adeegsanayo Gaari gacan, halka dilalka ugu badan ee xiligan ka dhaca magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsado Toorey.

Waxaa dhaca dilal u muuqaal eg ku qorsheysan oo lagu cuuryaamiyo shaqaalaha dowlada kuwaa oo intooda badan loo adeegsado bastoolad, iyadoo wixii intaa ka danbeeya Meydka looga dhaqaajiyo goobta.

Haddaba Qaraxyada iyo Dilalka ku cusub magaalada Muqdisho ee dib usoo rogaal celiyay ayaa waxaa u sabab ah 2 arrin oo kala ah:-

1-Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan xiligan laheyn Taliyayaal Nabad sugid, kadib markii kuwii ku magacawnaa loo wareejiyay Booliska, waxaana sidaa ku banaan kaalinta NISA ee amniga degmooyinka.

2-Xiriir xumi gaarsiisan heerkii ugu hooseysay oo ka dhex jira maamulada Degmooyinka, Saldhigyada Booliska iyo Shacabka ku nool Degmooyinka, taa oo sara qaaday falalka amni darro ee ka jira magaalada Muqdisho.

Taliyayaasha NISA u qaabilsanaa amniga degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa inta badan ka hortagi jiray falalka amni darro, waxa ayna tani muujineysaa in faaruqa jira uu qeyb ka yahay sara u kaca Qaraxyada iyo Dilalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka, gaar ahaan Hay’adda NISA ayaa laga sugayaa inay xal u hesho banaanida booska ay faarujiyeen Taliyayaashii ugu magacawnaa degmooyinka ee lagu daray Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this