Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay inay ka danbeysay falal khaarijin ah oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa shaacisay in shalay ay isgoyska Black Sea ciidamadeeda toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada canshuurta qaada ee  dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegteen inay magaalada Afgooye ku dileen Askari ka tirsan Booliska.

Daacish oo marar badan sheegata dilal ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo howlgalkooda Koonfurta Soomaaliya u badan yahay.

daacish.jpg

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this