Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in XASAN Yacquub la dhaawacay lana dilay laba horjooge oo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerar duqeyn ah oo xalay ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe dhaawac culus uu kasoo gaaray Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah madaxda sar ee kooxdaas, horayna usoo noqday Afhayeenka Kooxdaasi.

In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta Saakow, oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Aadan Isaaq Cali

Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday Xalay goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo gaarayay 37.

Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Al-Shabaab, halka dhaawac culus uu kasoo gaaray Xasan Yacquub.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay Al-Shabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Dhinaca kale, warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ba’an ugeysteen wax ay ku sheegeen xarumo rayid ah oo ku yaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe,  islamarkaana lala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this