Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shabaabka ay dowlada ka raadineyso banaanka waxa ay usoo dalxiisaan Xamar”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta soo xiray doodii ku saabsaneyd amniga kadib dhaliilo amni daro oo isbiirsaday.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo katirsan golaha Shacabka BFS, ayaa kamid ahaa Xildhibaanada sida adag maanta uga hadlay amni darada la sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab si nabadgelyo leh ay maleeshiyaadkooda iyo saraakiishooda isaga joogaan magaalada Muqdisho.

“Waanu la socnaa in Al-Shabaab badan ay ku dhex noolyihiin magaalada Muqdisho, tani waxa ay diirada ka lumineysaa rajadii laga lahaa hagaajinta amniga Muqdisho”

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aysan u diyarsaneyn wax ka qabahsada arintaasi, maadaama ay dano iyada u gaar ah uga mashquulsantahay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan meelna lagu sheegin hub farabadan oo Sucuudiga ugu yaboohday Somaliya.

Nuqul kamida hadalkiisa ayaa ahaa “Aawa Kunteenarradii hubka ahaa ee dowladda Sacuudiga soomaaliya siisay,maamul goboleedyada waa loo diiday,waxan ka cabsi qabaa in si hoose loo iibiyey”

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Al-Shabaab waxay usoo dalxiis Tagaan magaalada Muqdisho, markii ay waayeen caburin kaga timaada dhanka dowladda”.

Waxa uu Xildhibaanku shaki galiyay in dowlada Somalia ay daacad ka tahay wax ka qabashada amni daro uu sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan haddalka Xildhibaanka iyo Xildhibaanada kale wali ka hadal Xukuumada Somalia oo dhaliisha ugu badan ay ku fooraarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this