Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Shabaab oo soo bandhigay caddeymo muujinayo shacab lagu xasuuqay duqeyntii DF Sheegtay in lagu dilay Saraakiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Saakow (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay inay duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay ku dhaawacday Xasan Yacquub oo mar soo noqday afhayeenka Kooxdaan Argagixisada ah.

Dowladda ayaa sheegtay inay duqeynta la beegsatay 37 Sarkaal oo Shabaab ah meel ay ku shirayeen balse Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinayo in duqeyntaas lala beegsaday Isbitaal iyo Kuleej ay ardayda wax ku bartaan.

Xalay saqdii dhexe ayay diyaarado dagaal waxay duqeymo ba’an ugeysteen xarumo rayid ah oo kuyaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa lagu kala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro.

Wariye ku sugan Saakoow ayaa soo sheegay in burbur xooggan uu gaaray dhismayaasha ay diyaaradaha dagaal beegsadeen, duqeynta ka dhacday isbitaalka guud ee magaalada wax khasaara nafeed ah kama dhalan balse duqeynta ku dhacday Kolleejka carruurta lagu xanaaneeyoa waxna lagu baro waxaa ku dhintay sedax carruur ah.

Saaka markii uu waagu Baryay ayay boqolaal qof waxay gaareen goobaha la duqeeyay iyagoona Kolleejka kasoo daabulay Meydadka sedaxda carruurta ah ee dhimatay, isbitaalka guud ee degmada Saakoow ayaa maalin walba adeegyo caafimaad u fidin jiray boqolaal qof waana isbitaal Maxalli ah oo dabooli jiray baahida caafimaad ee dadka ku dhaqan gudaha magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaallada ay diyaaradaha shisheeye ku garaacayeen xarumaha shacabka magaalada Saakoow, inta badan duqeymaha ka dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa geysta dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Madaxda DFS oo aan badanaa lala socodsiinin duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kenya  ka  geystaan wadanka ayaa dhowr jeer ku hor fadeexoobay dadka Soomaaliyeed kadib markii ay dusha u riteen mas’uuliyadda duqeymo  ay dowladaha AMISOM iyo kuwa kale  ku laayeen dad shacab ah sida weerarkii Bariire ee lagu xasuuqay dadkii Beeraleyda ahaa taas oo ay DFS ku sheegtay in lagu beegsaday dad ka tirsan Al-Shabaab.

Si la mid ah dowladda ayaan Maanta sheegtay inay duqeyntaas lala beegsaday Al-Shabaab waxayna noqoneysaa arrin ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada waxaana ku jiro kuwa naxdin leh looma ogolo inay fiiriyaan Ilmaha ka yar 15 Jir.

 

15-1.jpg 8-1.jpg 11-3.jpg 10-1.jpg 9-1.jpg 7-1.jpg 5-1.jpg 6-1.jpg 4-1.jpg 3-2.jpg 2-1.jpg Q.jpg O.jpg L.jpg K.jpg I.jpg H.jpg G.jpg C.jpg D.jpg E.jpg 1-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this