Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 19, 2018 Xukuumadda Somalia Oo Amar Ku Soo Rogtay Diyaaradaha Ka Soo Dega Garoomada Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Garoomada Soomaaliya ku yaalla aysan ku soo degi karin diyaarad aan fasax ka heysan Dowladda Soomaaliya. Waxa uu sheegay wasiirka in diyaaradii fasax ka heysata Dowladda Soomaaliya,isla markaana shuruudaha ka soo baxda ay ku degi karto. “Diyaaradii ogolaansho ka heysata Dowladda Soomaaliya kaliya ayaa garoomada Soomaaliya ku degi karta diyaaradii aan ka heysan oo aan shuruudihii loo baahnaa soo buxun kama degi karto. Hadalka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo inta badan gacanta ku haaya Garoomada Soomaaliya. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 19, 2018 Dhageyso wasiirka Quote Share this post Link to post Share on other sites