Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada mucaaradka oo arrin cusub ka dhexwada gudaha Xarunta BFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in maanta lasoo afmeeri doono dooda amniga oo ay yeelanayan Xildhibaanada baarlamaanka.

Wararka aan ka dhex heleyno xarunta ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka ay safaf is xigxiga ka fadhiisanayan gudaha xarunta.

Xildhibaanada ugu badan ee isku dhex uruursanaya gudaha xarunta ayaa waxaa ka dhex muuqda tiro ka tirsan garabka mucaaradka oo aan la ogeyn sababta ay dhinac isaga soo cayan Xildhibaanada kale.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inaysan ogoleyn inay dhex fadhiistan kuwa mucaradka, iyadoo warar hoose ay sheegayan in qorshahooda cad uu yahay in kulanka maanta ay ku doonayaan in cod mideysan ay ku dalbadan in Ra’isul wasaare Kheyre iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka lagu horkeeno.

Sidoo kale, Xildhibaanada muxaafidka oo tiro ahaan ka badan kuwa mucaaradka ayaa iyaguna si gaar gara ugu sheekeysanaya banaanka Hoolka xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada ayaa u muuqda kuwo ka faa’iideysanaya kulamada baarlamaanka maadaama muddo uusan qabsoomin kulan baarlamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this