Deeq A. Posted September 19, 2018 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgal ballaaran ka wadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wariyaheenna Maxamed Ibraahim ayaa soo sheegaya in howlgalladan ay daba socdaa dilal 24 saac gudahood ka dhacay magaaladaasi. Xalay ayaa rag hubeysan waxay magaaladaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey Afweyne. Sidoo kale, shalay duhuradii waxaa magaalada B/weyne lagu diley qof shacab ah, iyadoo dilalkan dhacay dadkii ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen. Saraakiisha ciidamada ammaanka ee howlgalkaan wada ayaa sheegay iney dib u faah faahin doonaan howlgallada ay ciidanka wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites