Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannad SAREEDO: “Madaxweyne waan isaga tagayaa BFS haddii kale….”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Maanta mar kale uga hadlay arrimaha ِِِِِِِِAmniga kadib markii Shalay doodo oo dheereed awgeed la isku mari waayey.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab  iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira.

Xildhibaanada ayaa ahaa kuwa uu warkooda aad u kala kulul yahay waxaana la arkayey kuwa taageersan siyaasadda dowladda balse Amniga u arkayo inuu yahay mid guud oo qof kasta laga rabo inuu kaalintiisa ka qaato.

Xildhibaanada hadalada kulul meesha ka jeediyey waxaa kamid aheyd Xildhibaanad Sareedo oo madaxweynaha usoo jeedisay inuu Amniga wax ka qabto iyo inay isaga tagto Xildhibaanimada.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay  in ay muhiim tahay in qof walba meesha uu doono uu maro, hadii ay dhici weysana ay Xubinimadii xildhibaanimo ay isaga tageyso.

“Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo, xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, hadii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan.

Inta badan Xildhibaanada khudbadaha jeediyey ayaa u badnaa kuwa dowladda usoo jeedinayo eedeyn iyo in laga jiiftay Amniga Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this