Sign in to follow this  
Deeq A.

Amar culus oo kasoo baxay DF “Diyaarad aan fasax naga haysan ma tagi karto maamul goboleedyada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa soo saartay camal ku saabsan garoomada DIyaaradaha Soomaaliya xilli ay cirka kusii shareereyso khilaafka u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duuliska Hawada ayaa amar kusoo saaray inaysan diyaarad kasoo dagi karin Garoomada Soomaaliya iyadoo aan dowladda Dhexe laga heysan fasax.

Wasiirka ayaa sheegay in garoomada kala duwan ee Soomaaliya ay kaliya kasoo dagi karto diyaaradda fasax ka heysato Dowladda Dhexe haddi kale la celin doono.

“Diyaaradii ogolaansho ka heysata Dowladda Soomaaliya kaliya ayaa garoomada Soomaaliya ku degi karta diyaaradii aan ka heysan oo aan shuruudihii loo baahnaa soo buxun kama degi karto.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli uu go’ay xiriirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna amara dowladda uusan ka shaqeyn meelaha ay ka taliyeen Maamul Goboleedyada iyo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya waxaana xafiiskaas laga furay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this