Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre iyo wasiiradiisa oo loogu baaqay inay isaga tagaan dalka + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, ayaa maanta sii waday dooda Amniga Muqdihso iyo wax ka qabashadeeda, waxa uuna kulanka maanta ahaa kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doodooda xili ay khudbado ka jeedinayeen xarunta, waxa ayna intooda badan dhaliil u jeediyeen dowlada Somalia.

Xarunta ayaa waxaa khudbadaha ka jeediyay 13 Mudane, waxaana baaqi ah 14 mudane oo aan wali jeedin khudbadaha kuwaa oo jeedin doona maalinta berito ah.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada meesha ka hadlay ayaa sheegay in amarada Shabaab si caadi ah maalin iyo habeenba uga dhaqan galaan Muqdisho.

Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu tusaale usoo qaatay amarradii lagu xiray Garoomada qaar ee Salaxa loo yaqiinay, kuwaasoo amarro ka soo baxay Shabaab lagu xiray, iyadoo dowladda Somaliya aaney waxba iska weydiin arintaas.

Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Garoommadii kubbadda cagta lagu ciyaari jirey waa la xirey Shabaab ayaa sidaas amray, xildhibaannada haddaanay masuuliyaddooda qaadan karin ha isaga tagaan xilka oo dadka yaan la sirin, wax qorshe badbaado ah haddii aanan loo haynin shacabkan daaley yaan la dibin daabyeenin”.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin oo sii hadlay, ayaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre u soo jeediyay in isaga iyo Xukuumadiisaba ay dalka isaga tagaan, Sababta ayuu ku sheegay in sugida amniga lagu fashilmay.

Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga waxaan codsanayaa si cad oo gambad lahayn Raysul-wasaaraha iyo xukuumaddiisa waddankan ha isaga tagaan wax waa qaban waayeene” .

Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu cadeeyay in Xukuumada Somalia ay ku hingowday amniga sidaa aawgeed ayuu soo jeediyay inay isaga tagan dalka Kheyre iyo Wasiiradiisa.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Somaliya iney caburin ku heyso xoriyada ra’yiga, Waxa uu sheegay inaan jirin cid ka hadli karta dal daloolada dowladda oo aan ka eheyn Baarlamaanka oo xasaanadooda looga baqanayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this