Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Axmed Madoobe ” Amniga faraha ayuu ka baxay DF way noo diiday saanad aan kula dagaalano Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ee shalay gaaray Magaaladaasi.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday ballamo badan oo ay horay ula galeen dowlad goboleedyadda.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay heyso 173 Kuntineero  oo rasaas ah oo lagu soo iibiyay lacag ay bixisay Dowladda Sucuudiga isla markaasna aan ilaa hadda lagala tashan maamulada waxna aan laga siin.

Waxaa uu xusay in Jubbaland ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareystay hoggaaminta Howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u diiday maamulada Saanadii loogu tala galay in Shabaab lagu dagaallamo .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in saanad dhan 173 Conteernar in ay taallo Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegay in hubkaasi uu gacanta u galay Shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Soomaaliya.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this