Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo dagaal culus ku leysay Al-Shabaab badan (Tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka ayaa la soo sheegayaa in lagu laayay inta u dhexeysa Degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee Gobalka Gedo.

Leysmada maleeshiyaadkan ayaa ka danbeysay Kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Jubbaland ay weerar ku qaaaden fariisin ay ku leeyihiin Degmooyinkaasi.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey oo la hadlaayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerar ay ku dileen maleeshiyaadka ay ku qaaden fariisin ay ku sugnaayeen.

Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in 5 askari ay ku geeryooden dagaalka ,halka ay ku dhaawacmeen 7 askari oo uu ku jiro Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalka uga dileen 11 dagaalamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay ka gubeen gaadiid.

Dagaalka maleeshiyada lagu laayay ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Hogaamiyaha maamulka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this