Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI oo sheegay in DFS ay indhaha ka qabsaneyso Ficilada SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa si kulul uga hadlay awoodaha Al-Shabaab ee dib usoo laabanaya tan iyo markii isbedel uu ka dhacay dalka.

Xildhibaan Fiqi oo kamid ah guddiga difaaca ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kusoo xoogeysanayaan dalka isla markaana ay dib ula wareegen deegaano badan oo ay faarujiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in degaanada ay Shabaab dib ula wareegeen ay ka mid yihiin degaano muhiim ah oo bulshada ku nool diyaar ay u yihiin iney helaan nidaam dowli oo sax ah balse ay dib u helaan nidaamka Shabaab.

“Anigu ma garan karo danta ku hoos qarsoon in Al-Shabaab lagu fiirsado dhibta ay ku heyso dalka, suuragal maaha inay dib u qabsadaan deegaano sanado badan ka hor laga saaray”

“Dowladu waa inay bulshada u sheegtaa sababta ku khasbeysa inay gacmaha ka laabato dagaalka Al-Shabaab, waxan u qaadan doonaa in qorsho laga leeyahay haddii aan laga jawaabin arinkan”

Xildhibaan Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale Saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM ku eedeeyay ineysan qorshe u sameyn degaanada ay Al-Shabaab kala wareegan taasi oo keenta sida uu sheegay in Shabaab ay dib u qabsadaan.

Xildhibaan Fiqi waxa uu intaa raaciyay in ka guddi ahaan ay hayan xogo ku saabsan in degaanada ay Shabaab dib ula wareegaan in ay ku dhinteen askar badan, balse dowlada Somalia ay ka dhigto kuwo nool oo howlo ku maqan.

“Askar ku dhintay dagaal ayey dowladu qarineysaa waxaan fahmi la’ nahay sababta loo qarinayo askari u dhintay dalkiisa oo aan qaris u baahneyn”

Sidoo kale, Axmed Fiqi oo kaalmaha koowaad uga jira Xildhibaanada mucaaradka ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado  qorshe lagu badbaadinayo dhulka laga saaro Al-Shabaab iyo kan ay heystaan.

Hadalka Axmed Fiqi ayaa kusoo beegmaya xil uu shalay sheegay in dowlada Somalia ay safrisay 2000 oo askari xili wadanka uu u baahan yahay ciidamo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this