Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: JABUUTI oo jawaab adag ka bixisay wararka sheegaya in HUB sharci daro ah galiso Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Jabuuti ayaa lagu eedeeyay in Hubka sharci darada ah ay soo galiso gudaha Somalia kuwaa oo si sahlan ugu gacangala maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Hubkan oo noocyo kala duwan leh ayaa la sheegay in si fudud ay ku helan Al-Shabaabka, iyagoo u adeegsada gumaadka ay ku hayaan shacbiga iyo dagaalka ay kula jiran dowlada Somalia.

Warbixin ay soo saartay sharkadda laga leeyahay Dalka Ingiriiska ee EXX Africa, ayey ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dowladda,Ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci darro ah ku geliyaan Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti oo ka duuleysa eedeymaha Hub galinta Somalia ayaa iska fogeysay warbixinta EXX Africa, waxa ayna tilmaantay inaanu jirin Hub sharci daro ah oo ay galiso Somalia.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku difaacay dalkiisa waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay eeda loo jeedinayo ee ku aadan Hubka sharci darada.

Wasiir Maxamuud ayaa sheegay inaanu raad laheyn warbixinta laga diyaariyay Jabuuti islamarkaana dalkiisa uu ka go’anyahay nabadda iyo deganaanshaha Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in baahinta warkaasi loo helo cadeymo, waxa uuna ka gaabsaday inay suuragal tahay in Ganacsatada dalkiisa ay si qarsoodi ah Hubka ugu soo raraan Somalia.

Haddalka, Wasiir Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili EXX Africa ay muujisay in cadeymo hubaal ah ay u heyso in dowlada Jabuuti ay Hubka si sharci daro ah ku galiso Somalia.

Hub-9.jpg

Hub-8.jpg

Hub-10.jpg

Hub-1.jpg

Hub-4-1.jpgHub-3.jpg

Hub-5.jpg Hub-6.jpg Hub-7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this