Sign in to follow this  
Deeq A.

Safarka Geelle ee Jeddah kadib, dagaalka Yemen oo weji cusub yeelan doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, saacado yar  kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya ku tagayo madaxweynaha Jabuuti, waxaana labadii maalin ee u dambeysay dalka Sucuudiga  ugu  sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti

Madaxweyne Geelle ayaa cusuumad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Gaar ahaan Boqor Salmaan Cabdulcasiis. Dawlada jabuuti hore ayey u sheegtey in dawlada sacuudigu culays ku saarayso inay Dawlada Eriteriya la heshiiso wax shuruudana ku xirin.

Danta dawladaha Sacuudiga & Imaaraadka ay  waqtigan hada la joogo uga wada  shaqeynayaan Nabada Geeska Afrika ayaa lagu  sheegaa inay tahay mid ay ku jirto  dantooda amni. Balse sida xaqiiqda ah Waqti hore ayey awoodeen inay dhaqaalo ku bixiyaan Nabada Geeska Africa. Halka ay  waqtigan hada la joogo dawlada sacuudiga ka heshiisiineyso dawladaha Jabuuti iyo Eriteriya oo ay iminka meel isugu keentay,

Labada hogaamiye ee Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Afwerki ayay aheyd inay Dhaqaalo badan u balan qaado kuna qasabto inay ilaawaan wixii colaad ah ee hore u soo dhex maray.

Heshiisiinta labadaan dowladood ee  jabuuti iyo Eriteriy wuxuu dawlada sacuudiga u sahlayaa inay xiligan hesho   Koox Gaashaan buur ay  la noqota oo aad ugu dhow xuduud badeedka  wadanka Yemen.

Waxaana ii muuqda in colaad weyn.ka dhex qarxi doonto  dawladaha isku haysta danahooda Amni, Dhaqaale iyo mid Diimeed.

Dhamaadka sanadkan 2018 ka dagaalka  hada ka socda Yaman waxa uu yeelan doonaa  waji cusub  waxaana uu  isku rogi doonaa mid caalamiya sida dagaalka Suuriya oo kale.

Sidoo kale waxaa suurta gal ah in dawladaha Sudaan, Iran, Turkiga, Qatar, & Cuman. in ay iyaguna Ka soo hor jeestaan xulufada Sacuudiga iyo imaaraadka itoobiya Jabuuti  & Eritariya.

Falanqeyntayda waxaa farta ku fiiqayaa inaan Taariikhda ka baraney in.colaadu si fudud ku bilaamato waqti dheer ay qaadato in colaadaa Nabad loo helo.

Dagaalka Yemen wuxuu ku bilaamay in laga hor yimaado madaxweye cali cabdale salax waqti yar ka dib wuxuu isku badaley dagaal sokeeye oo bur buriyey dalka yemen oo dhan.

Xaalada siyaasadeed ee dalka khaliijka ayaan deganey wixii ka danbeyey bilowga dagaalka yemen waxaa timid colaad dhextaal kooxa suniga iyo shiicada kuwada nool wadamada khaliijka.

Hadii gacan ka hadalka kooxa suniga iyo shiicadu siicodo waxaa hubaal ah in.dagaalka yemen ku fididoono dhamaan.wadamada khaliijka waa cabsida ay qabaan boqorada sacuudiga iyo imaaraadka waxaa dalkooda wada degan bulsho aaminsan mahdabta suni iyo shiico.

Qore Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this