Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog sirdoon oo shaacisay halka hubka sharci darada laga soo geliyo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Warbixin uu baahiyay Radio France International ayaa lagu sheegay in dalka Jabuuti oo Soomaaliya daris la ah uu soo maro hub lagu tilmaamay inuu sharci darro yahay oo la keeno dalka Soomaaliya.

Warbixintaan oo la sheegay in laga soo xigtay shirad sirdoon oo ka faaloota arrimaha amniga siyaasadda iyo dhaqaalaha Africa oo magaceeda la yiraahdo EXX Africa,  ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay xogo la ururiyay oo la xariira in maraakiib iyo doonyo sida hub aan sharci aheyn ay ku xirteen dekadaha dalka Jabuuti kadibna si suuq madow ah loogu soo gudbiyay Soomaaliya.

Shirkaddaan EXX Africa waxay sheegtay inay hayso cadaymo xaqiijinaya dalka Jabuuti uu yahay halka uu Soomaaliyaba ka soo galo hubka sharci darrada ee lagu hubeeyo kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama.

Agaasimaha hay’addaha warbixintaan diyaarisay Robert Besseling ayaa ku doodaya in cadaynta ay hayaan ay qeyb ka tahay doon uu sheegay inay ka tagtay dalka Yemen oo ay hub kusoo rareen Xuutiyinta Yemen kana soo furatay dekeda magaaladda Xudayda inay hub ku rogtay dalka Jabuuti kadibna hubkaas loosoo gudbiyay Soomaaliya loonaga gacan galiyay koox uu ku sheegay inay waqooyiga Soomaaliya ka dagaalamaan.

Robert Besseling ma uu sheegin kooxdaas magaceeda,  hase ahaatee waxaa uu sheegay inay taageero ka helaan dalka Jabuuti.

Sargaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti uu yahay halka ay hubka ka helaan kooxo hubeysan oo uu sheegay inay ka dagaalamaan dalalka Soomaaliya, Labada Sudan iyo Ethiopia, hase ahaatee waxaa uu aad uga fogaaday inuu carabka ku adkeeyo in Jabuuti taageerto ururka Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan, waxaase uu ku doodayaa in koox shirkaddiisa ka tirsan ay dekadaha Jabuuti ku arkeen hub aan sharci aheyn oo Soomaaliya loo soo wado.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midawga Africa ee AMISOM ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay Soomaaliya lasoo galeen hub aad u u culus oo ay mamnuuc tahay in dalka la keeno maadaamada cunaqabatayni saaran tahay.

Hubkaas ayuu sidoo kale sheegay inuu u gacan galay kooxo hubeysan oo aan ciidanka dawlada ahayn.

Agaasimaha hay’adda sirdoon ee xogtaan bixisay ee u waramay Radio France International  Robert Besseling waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in saraakiil sar sare oo militryga Jabuuti ka tirsan iyo mas’uuliyiin heer gobol ay ku leeyihiin ka ganacsiga iyo kala gudbinta hubka sharci darrada ee Soomaaliya la keeno inkastoo uu shaacin magacyada shaqsiyaadka la eedeeyay.

“Cadaynta aan hayno waxay xaqiijinaysaa in dawlada Jabuuti si cad uga war hayso hubka dalkeeda lasoo marsiiyo ee sharci darrada waxaana dhihi karnaa qaarkood ayaaba ku lug leh” ayuu yiri Robert Besseling agaasimaha shirkadda arrimaha sirdoonka ka shaqaysa ee EXX Africa.

Ciidamada AMISOM ayay sidoo kale warbixintu ku eedeysay inay hub siiyaan koox hubaysan oo aan magaceeda la sheegin oo ka aas aasan meel lagu tilmaamay waqooyiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this