Deeq A. Posted September 18, 2018 Dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan Tuulada Baarey ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in aanay haysan dalag ay beertaan, islamarkaana Labadii sano ee lasoo dhaafay aanay waxbo tabcan, kadib markii dalagii a beerteen la tageen fatahaadda Wabiga Shabelle. Macalin Suleymaan waxa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan Tuulada Baarey, wuxuu u sheegay Goobjoog News, in aanay waxbo beeran, beerihii oo dhanna uu kasoo baxay coos. Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin gurmad in loo fidyo si loo caawiyo dadka beeraleyda ah ee Tuuladan ku dhaqan maadaama aanay aqoon meel ay u barakacaan. Suleymaan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle in ay lasoo gaaraan qalabka wax lagu beerto iyo makiinadii ay beeraha ku falan lahaayeen. Sanadkan ayeey dadka Shabellaha Dhexe waxay aad u beerayeen Bariiska, iyadoo Tuuladanna ay ka mid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites