Sign in to follow this  
Deeq A.

“DF waxay dalka ka qaaday 2000 oo askar Soomaali ah, lama oga halka la geeyey”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa kulankii baarlamanka federaalka Soomaaliya ee maanta ka sheegay arrin dad badan aysan ogeyn, oo ah in kumanaan ciidamo Soomaali ah loo diray dalal kale.

Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, sida aadka ah u mucaaradsan xukuumadda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay laba kun askari dalka ka qaaday, oo aan la ogeyn halka la geeyey.

“Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalka, oo aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay, ma Al- Qaacidaa laga dhigaa ma Daacish, garan mayno” ayuu yiri Fiqi.

Illaa iyo hadda ma jiraan warar si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada Axmed Macallin Fiqi oo horey usoo noqday taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Fiqi ayaa dhinaca kale xukuumadda ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban amniga dalka. “Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan,  Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa,  isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg” ayuu yiri Fiqi.

Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen agaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this