Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageso: Taliye ka tirsan ciidamada Axmed Madoobe oo isku dhiibay Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa isku dhiibay maamulka Al-Shabaab  magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Nuur Yuusuf Saneey oo ahaa taliyihii Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo oo ku hubeysan qori AK47 ah islamarkaana ku labisan dareeska ciidamada Booliska maamulka ‘Jubbaland’ ayaa lagusoo bandhigay Maxkamadda islaamiga Jilib.

Sarkaalkan isku dhiibay Al- Shabaab ayaa Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ku eedeyey inay dadka ku hayaan dhibaato aad u xoog.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Andalus ayuu uga sheekeeyay sababta uu uga goostay maamulka Kismaayo iyo gabood fallo uu sheegay in ciidamada sirdoonka ‘Jubbaland’ ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/wareysi-sarkaalgoostay.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this