Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare: Wafdigii Dhex-dhexaadinta DF Ah Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Gaarey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ballaaran kana socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa halkaas gaarey, wafdiga ayaa lagu wadaa iney kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland si ay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda u raadiyaan.

Wafdigan oo ka kooban toban xubnood oo ka socda Golaha Aqalka sare ayaa waxaa hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi,waxayna ku wajahan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna Ujeedka Safarkooda uu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Dhnak kale,Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this