Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Heshiisiinaya Djibouti iyo Eritrea, Shalay Loolankii Itoobiya Iyo Eritrea Ayuu Dhammeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo la filayo inuu kula kulmo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Dalalka Djibouti iyo Eritrea, waxaa ka dhaxeeya loolan xagga dhulka ah, oo ay waxaa ay isku heystaan buur iyo jaziirad, waxaana la filayaa in kulankan Sacuudiga lagu soo afjaro.

Axaddii, waxaa isla Sacuudiga heshiis 7 qodob ah kala saxiixday ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo halkaasi ku xiray loolan socday in ka badan 20 sano.

Heshiiska la filayo Djibouti iyo Eritrea waxaa uu gebo-gabo u yahay heshiisyadaas gobolka, waxaana ka shaqeeyey dowladda Sacuudiga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this