Dalmar1 Posted September 17, 2018 Kulankii BF oo si xun loogu weeraray xukuumada Farmaajo Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa. Kulankii BF oo si xun loogu weeraray xukuumada Kheyre (Aqriso hadalladii ugu kululaa ee xildhibaanada) Waxaa xoogaa ka hor furmay kalafdhigii 4-aad ee Xildhibanada Golaha Shacabka oo dhawaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 168 Xildhibaan iyadoo aysan soo xaadirin xildhibaano badan oo qaarkood ay dalka joogaan halka kuwa kalana ay maqan yihiin. Anjadaha kulanka Maanta ayaa ahaa Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana halkaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. 168 Xildhibaan halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilmatay qabashadi shaqadii loo xil saaray, wuxuuna si deg deg ah Ra’isulwasaaraha uga codsaday inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Gabey oo ah Xildhibaanka Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu is casilo ayaa ku eedeeyey dowladda inay kusoo aruurtay kaliya Baraha Bulshada sida Facebook iyo Twitter. “Fadlan Ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” ayuu yiri Gabey. Sidoo kale wuxuu raaciyey “Shaqada Dowladda waxay kusoo aruurtay Facebook iyo Twitter”. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted September 17, 2018 UAE money is paying back Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted September 18, 2018 the forum has become Calasow propaganda page. The information about 168 members is fake news. Nothing wrong about the debate and criticism. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted September 19, 2018 On 9/17/2018 at 12:20 PM, maakhiri1 said: UAE money is paying back Or the power of face book does not work with the Nomad real world survivor. Quote Share this post Link to post Share on other sites