Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo Kulan Ka Leh Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isugu yimaadaan kulankooda Labaad ee Kalfadhigga Afaraad.

Kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah looga hadli doono ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Guddiga amniga ee golaha shacabka ayaa laga dhageysan doonaa arrimaha ku aaddan xaaladda amni ee Muqdisho, waxaana ay hordhigi doonaan xildhibaannada.

Waxaa la filayaa in xildhibaannadu ay dood dheer yeeshaan, iyadoo muhiimad gaar ah siin doona amniga caasimadda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeysay faraha kasii baxayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this