Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Jawaab Culus ka bixiyey Shuruudihii Madaxda Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab culus ka bixiyey laba qodob oo ka mida shuruudihii ay madaxda maamul Goboleedyada dalka ku xireen waanwaan ay la galaan dowladda Federaalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Xarunta Gobolka Banadir ayuu sheegay inuusan soo dhoweynin in la yiraahdo magaalada madaxda amni ma aha.”Muqdisho waa magaalo Soomali oo dhan dhisatay, waa magaalo aan cid gaara lahayn oo Soomaali u dhaxeysa, waana caasimadii dalka.. ma aqaan cidda loogu daneynayo in la yiraahdo amni ma aha..” ayuu yiri Kheyre.

Mar uu ka hadlay dalabka madaxda maamul Goboleedyada ee ah in daraf saddexaad oo ajnabi ah uu soo dhex galo dowladda iyo maamul goboleedyada, ayuu sheegay in lasoo dhaafay xilligii la dhihi jiray ajnabi ka dhex galo Soomaalida.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sheegay inaysan aqbaleynin labada qodob ee Amniga caasimadda iyo Daraf saddexaad, wuxuuna si cad u sheegay in xaaladda dowladnimada Soomaalida ku sugan tahay xilligan ay tahay mid dadku dareemayaan inay sharaftoodii soo noqotay.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kulul ee kasoo yeeray Kheyre

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Raisul-Wasaare-Kheyre.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this