Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Jubaland oo diiday damac yaab leh oo ka yimid Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe oo kulan  la yeeshay Xildhibaanada maamulkaas ayaa usoo bandhigay codsi iyo damac ay la yaabeen in badan oo ka tirsan xildhibaanada.

Axmed Madoobe oo isugu yeeray Xildhibaanada siyaasadiisa taageersanaa ayaa ka codsaday in loo sameeyo muddoo kordhin.

Markii uu Axmed Madoobe soo bandhigay codsigiisa, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa arrintaas ka dooday waxaana kasoo baxay go’aan diidmo ah.

Baarlamaanka ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inaysan socon karin waqti kororsi isla markasna ay doorashada ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Doodada Xildhibaanada oo aheyd mid aad u kulul ayaa waxaa codsigiisa taageeray Xildhibaano gaarayo ilaa 10 Xildhibaan oo u badnaa kuwa aad ugu dhow Axmed Madoobe beel ahaan iyo siyaasad ahaan.

Axmed Madoobe ayaa codsigiisa ku adkeystay wuxuuna dhawr jeer ka codsaday Xildhibaanada inay arrintaan u ansixiyaan isla markaasna kulan arrintaas loogu codeenayo la isugu imaado.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo in la diiday codsigii Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ugu hanjabay Xildhibaanada qaar inuu tallaabo ka qaadi doono wuxuuna kulanka ku sigtay in gacanta la isku qaado.

Axmed Madoobe ayaa horey Magaalada Kismaayo uga mamnuucay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo saxaafadda usoo bandhigay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirto iyo musuq maasuq uu Axmed Madoobe wado.

Axmed Madoobe oo asalkiisii hore ahaa nin ka tirsanaa A-Shabaab ayaa si awood ah ku qabsaday Jubbaland waxayna ficiladiisa u egyihiin sida kuwa AL-Shabaab oo kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this