Sign in to follow this  
Deeq A.

DF SOMALIA oo shaacisay qoshe cusub oo ka dhan ah hubka Muqdisho yaalla

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho lagu doonayo in looga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado magaalada Muqdisho. Dowlada ayaa sheegtay in Hubkaasi sharci darada ah uu kaalin weyn ka qaatan qalqalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Wasaarada Amniga Qaranka ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in laga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu iibiyo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in goobaha Hubka lagu iibiyo ay kusii kordhayan magaalada Muqdisho sidaa aawgeed ay qaadi doonto talaabo looga hortagayo hubka sharci darada ah.

Suuqyada lagu kala iibsado Hubka ayaa waxaa si wada jira Hub uga iibsada ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku jooga magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada ka baxay ciidanimada dowlada ayaa sidoo kale Hubkooda u iibgeeya Suuqyada, waxaana xusid mudan in hubka ugu badan ee laga helo Suuqyada ay kala yihiin AK47, PKM, BAM, SABANO iyo Rasaas kuwaa oo badankooda si qarsoodi ah looga soo dajiyo Dekadda Muqdisho.

Sidoo kale, Wasaarada Amniga ayaa rumeysan in suuqyo badan oo qarsoodi ah ay ku yaalan goobo aan cayineen hase yeeshee ay muhiim tahay in laga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhalankara Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado suuqyada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Suuqa cirtoogte ayaa kamid ah Suuqyada wali sida sharci darada ah hubka looga kala iibsado waana qeyb kamid ah amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this