Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kala Jabay iyo Guddiyo lagu kala magacaabay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka-Galmudug_Culeys.jpg?resize=
Muqdisho (PP) ─
Baarlamaanka Maamulka Glamudug ayaa u qyabsamay aba garab, iyadoo garab ka mid ah ay ku shirsan yihiin magaalada Cadaado, halka garabka kale uu ku shirsan yahay magaalada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo horkacaya garabka ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa magacaabay guddi ka kooban 11-xubnood oo la sheegay inay soo diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Xildihbaannada Dhuuso-mareeb ku shirsan ayaa waxay maalin ka hor xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku sugnaa xilligaas magaalada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu dhibaato ku yahay maamulka Galmudug iyo hab-sami u socodka hawlaha kala duwan ee baarlamaanka maamulkaas.

Sidoo kale, Guddoomiye Casir ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii maamulkaas uu ku shaqeyn jiray, iyagoo sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf].

Mudanayaasha ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa waxay sheegeen in berri oo Isniin ah ay qaban doonaan kulan ay uga doodayaan mooshin ay sheegeen in laga keenay madaxweyne ku xigeenka maamukaas, ayna codka u qaadi doonaan mooshinka.

Dhanka kale, Xildhibaannada ku shirsan magaalada Cadaado ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna magacaabeen guddi doorasho oo ay sheegeen in ay kasoo shaqeyn doonaan doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug oo aysan sheegin xilliga la qaban doono.

Waxaa kaloo Guddoomiye Casir oo la sheegay in xilka laga qaaday uu isla maanta u sheegay saxaafada inuu qabtay mooshin laga keenay guddoomiye ku xigeenka maamulkaas, Xareed Cali Xareed oo Dhuuso-mareeb ku sugan.

Tallaabooyinkan ayaa waxay muujinayaan sida uu u sii kala fogaanayo maamulka Galmudug oo la sheegayo inay la kala safan yihiin madaxda ugu sarreysa dalka, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu dhex-galo oo lagu qaboojiyo muranka u dhexeeya, inkastoo xiisadda jirta ay haatan gaartay meel aad u sarreysa oo wax ka qabashadeeda la sheegay inay aad u adag tahay.

Wararka kale ee hoose ee ay helayso shabakadda Puntland Post ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre inuu dhexda u xirto xallinta khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.

Ugu damben, Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka iyo madaxda Galmudug uu soo dhex-galay khilaaf dhanka awoodda ah, waxaase tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo khilaaf heerkan gaaray uu soo dhex-galay mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Galmudug, lamana oga halka uu sal-dhigan doono khilaafkan.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kala Jabay iyo Guddiyo lagu kala magacaabay… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this