Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulanka ayaa marka hore waxa ay Xildhibaanada uga doodeen mooshinkii ay ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,iyaga oo halkaasi ku soo bandhigay waxyaabaha ay ku eedeynayaan.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagaga dhawaaqo Codka kalsoonida kala noqoshadda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed  ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama xilkii horay looga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 11 xubnood ayaa soo diyaarin doona qaabka ay u dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xaaladda Galmudugy ayaa noqotay mid cakiran waxaana laga yaabaa inay yeelato laba madaxweyne iyo Labo Guddoomiye Baarlamaanka marka loo fiiriyo sida uu hadda xaalku yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadda Galmudug inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin inay dowladda qeyb ka tahay oo ay la safan tahay garab ka mid ah kuwa isku haayo Maamulka.

41801932_277045902914134_653600327310141 41900419_277045896247468_340591001062080

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this