Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib weerarkii 9/11, imisa lacag ayaa USA uga baxday DAGAALKA argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan xustay sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii 11kii September 2001dii lagu qaaday Dalka Mareykanka.

Weerarkaas waxaa ku dhintay dad lagu sheegay 3,000 oo qof oo u dhashay Mareykanka,waxaana ku dhaawacmay kumanaan kale.

Madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka George W. Bush ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray Argagixisada oo uu inta badan xoogga ku saaray Dunida Muslimka,waxaana uu dagaalkii 1aad ku qaaday Dalka Afghanistan, halka uu ku xijiyay Ciraaq 2003dii,waxaana ku xiga Waddamada Muslimka ah oo uu qaarkood xulufo ka dhigtay si uu isugu jibiyo.

Waxaa kale oo uu dagaallo badan oo dhulka iyo Cirka ahba ka fuliyaa ilaa maanta waddamo badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya .

Haddana dagaalkaas 17 ka sano jirsaday waa imisa dhaqaalaha kaga baxay Mareykanka?.

Hay’adda Stimson Centre, oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in Mareykanka uu geliyay dagaalka argagixisada lacag ku dhow $3Tiriliyan oo doollarka Mareykanka ah.

Inta badan lacagtaas waxaa ay ku baxday dagaallada Afghanistan, Ciraaq,Syria, barnaamijyada la dagaallanka Argagixisada ee Caalamka iyo Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka, kumana jirto miisaaniyadda dagaalka 2018ka ee mareykanka.

Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee Mareykanka waxaa uu inta badan ka socdaa Afghanistan, Uzbekistan, Iraq, Syria, Egypt, Somalia, Nigeria, Mali, Philippines, Britain, Netherlands, France iyo Germany,waddamadaas oo badankood dad ka soo jeeda ay ku biireen Ururrada Daacish iyo Al Qaacidda.

Inkasta oo warbixinta aysan waddan waddan lacagta ku baxday wax ka qorin haddana Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom,ayaa miisaaniyaddiisa hadda tahay $276 Milyan oo doollarka Mareykaka ah.

Lacagtaas waxaa lagula dagaallamaa AL-shabaab,Boko Haram,Al-Qaaciddada Galbeedka Afrika,iyo ururro kale oo ay Daacish ka mid tahay.

Kongareeska Mareykanka ayaa dagaalka ka dhanka ah ee Argixisada u ansixiyay lacag dhan $500 Milyan sanadkii 2007dii,waxaana kaliya loogu talagalay argagixisada Galbeedka Afrika.

Hoggaamiyayaashii hore ee Bokor Haram iyo Al-shabaab, Maxamed Yuusuf, iyo Axmed Cabdi Godane ayaa lagu dilay howlgallada Mareykanka ee ka socda Afrika.

Weerarrada dhinaca Cirka ah ee Mareykanka ayaa laga fuliyaa kaliya Soomaaliya,waxaana galbeedka Afrika ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka sameeyaan xog ururin oo kali ah.

Waxaa hadda socda dhismaha saldhig diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo uu ka dhisanayo dalka Niger caasimaddiisa Niamey,waxaana xigaya weerarrada dhinaca cirka ah ee ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn fulinayaan.

Sources

Isha: newtelegraphonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this