Sign in to follow this  
Deeq A.

Carabey oo warqad amar & hanjabaad culus ah u diray wasiirada GAL-MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga yeeray inay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud xilli khilaafka Madaxda Galmudug uu sii xoogeysanayo.

Warqad ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa lagu sheegay in wasiirada Galmudug ay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Wasiirkii qaadan waaya amarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tegi waayo cadaado lala xisaabtami doono.

Shalay ayaa waxaa Magalada Cadaado gaaray wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo xubno kale halka Magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku xigeynka

Waraaq kasoo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudugada-1

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this