Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdigii u horeeyay ee ka socda Aqalka Sare oo u ambabaxay mid kamid ah maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland

Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray.

Ujeedka Safarka maanta ay ku aadeyn guddiga ayaa lagu sheegay inuu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland.

Lama oga inta uu qaadan doono safarka wafdigan, hase ahaatee waxaa la filayaa in wixii ay kala soo kulmaan ay dib ula soo laaban doonaan Aqalka sare, si ay warbixin u siiyaan.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this