Sign in to follow this  
Deeq A.

7 musharax oo Saaka ka dagtay Baydhabo xilli Shariif Xasan uu culeys dareemayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) –  Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Saaka waxaa gaaray ilaa 7 Musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulkaas.

Musharixiinta gaaray Maanta Magaalada Baydhabo waxaa ugu cad cad Maxamed Aadan Farkeeti oo horey usoo noqday Wasiirkii Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale musharixiinta halkaas gaartay waxaa kamid ah :

1) Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa Ururka Al-Shabaab balse markii dambe aan ku qancin siyaasadooda.

2) Maxamed Maxamuud Boonow

3) Yuusuf Baadiyow

4) iyo Aamina Mursal oo ah Gabadha kaliya ee isku soo taagtay musharxnimada Koonfur Galbeed.

Saadaasha doorashada Koonfur Galbeed ayaa ah mid aad u adag waxaana muuqato inuu Shariif Xasan la kulmayo cadaadis aad u weyn.

Dadka sida weyn uga war hayo xaaladda Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in Fargeeti uu noqon doono madaxweynaha xiga Koonfur Galbeed haddii uuba meesha ka baxayo Shariif Xasan Shiikh oo aan taageero badan ka heysan Beelaha wada dhistay maamulkaas.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin aan ka shaqeyn danaha Maamulka Koonfur Galbeed balse halkaas ku ilaashado sidii uu ugu sii jiri lahaa Siyaasadda dalka isla markaasna uu dowladda dhexe wax ula qeybsan lahaa.

Odayaasha Beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu dhibaato xoog leh ku hayo maamulkaas loona baahan yahay isbadal deg deg ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa, sidoo kalana waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhda iyo waxqabadka musharaxiinta.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this