Sign in to follow this  
Deeq A.

Taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano –Qaybtii 9aad: Waaga cusub ee Itoobiya iyo xulashada Abiy

Recommended Posts

Deeq A.   
Ethiopia_flag_map.png?resize=282%2C217&sItoobiya

Dhamaadkii sanadkii 2015 ayay ahayd markii ugu horaysay ee dhalinyaro ka caraysan siyaasaddii dhulka ee xisbiga talada hayaa ay isugu soo baxeen wadooyinka tuulada Gimchi iyaga oo ka cabanaya dhul Iskuul oo lagu wareejiyey ganacsi gooni loo lahaa. Dhawr maalmood oo dibad baxyo waawayni ay tuulada ka dhaceen dawladdu dib ayay uga noqotay go’aankeedii. Waxaa gobolka Oromada si xawliya ugu faafay xogtii dib u gurashada dawladda taas oo sababtay in dhamaan gobolkii Oromada ay ka dhacaan dibad baxyo waawayn oo lagaga soo horjeedo siyaasadda dhulka. Wax yar ka bacdi dawladdu waxa ay ku dhawaaqday inay joojisay siyaasaddaas, gaar ahaan middii balaarinta magaalada Adis Ababa oo ahayd midda ugu wayn ee muranka dhalisay. Nasiib daro dibad baxyadii halkaas kuma istaagin ee waxa ay shacabku u fahmeen itaal daro soo wajahday EPRDF.  Iminka dibad baxyadii waxa ay u gudbeen qoomiyadda Amxaarada oo ah kuwa labaad ee ugu tunka wayn Itoobiya.

Inkasta oo ay xukuumaddu qaaday wax walba oo lagula tacaali karo gadoodka shacabka haddana waxay taladu faraha ka baxday markii khilaafkii usoo gudbay xisbigii talada hayey ee EPRDF. Xisbigaan ayaa ka kooban afar qawmiyadood oo kala ah Tigray, Amxaaro,Oromo, iyo reer koonfureedka oo ah qawmiyado dagaan isku raacay. Madaxdii qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa si toosa u taageeray isbadalkii qowmiyadahoodu doonayeen, taas oo markii dambe sababtay is casilaadii raysal wasaare Hailemariam Desaleng 15/2/2018. Dadaal iyo dood dheer oo muddo socotay waxaa usuu roobay xisbigii Oromada inuu soo sharaxo Abiy Ahmed oo ku meelmaray taageerada qawmiyadaha Oromada, Amhaarada iyo qayb ka mida reer koonfureedka.

XAALADDA KALA GUURKAA IYO QAWMIYADDA TIGREEGA

Waxaan shaki ku jirin cadaawadda xad dhaaf kaa ee ay qawmiyadaha kacdoonku u qabaan qawmiyadda Tigreega oo todoba iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay iyadu ka ariminaysay dalka Itoobiya. Waxaan sidaas oo kale iyana shaki ku jirin si

Tigreegu waxa ay aaminsan yihiin in Itoobiyaanku ay ka abaal dhaceen. Waxay aaminsan yihiin inay iyaga ahaayeen kuwii usoo diriray xorayntii Itoobiya oo ay ku waayeen in kabadan lixdan kun oo wiilashooda ah. Waxay aaminsan yihiin in siyaasadoodii kobcinta dhaqaaluhu ay Itoobiya ka dhigtay mid ka mida kobocyada dhaqaale ee ugu dhaksaha badan caalamka. Waxaad moodaa Tigreegu inay maanta ka qoomamaynayaan khalad ay horay u galeen. Kolkii uu dhintay raysal wasaare Malas waxaa banaanka yimid khilaaf xoogan oo ka dhex jirey TPLF gaar ahaan kooxdii Gang 11. Khilaaf kaas ayaana sabayay inay ku guulaysan waayaan keenista ciddii u badali lahayd Malas. Raysal wasaare Malas si uu u yareeyo muranka TPLF loona maareeyo khilaafka dhexdooda ka jira ayuu horay ugu sii dooray Hailemariam Desaleng oo ahaa qowmiyadda Welayta ee  reer koonfureedka. Hailemariam ma noqon sidii ay rabeen, waxayna aaminsan yihiin in uu guuldaro u horseeday. Inkasta oo culays aad u xoog badani saaran yahay qawmiyaddaan haddana wali iyaga ayaa goobaha muhiim kaa odhan gacanta ku haya.

SIYAASADDA DR. ABIY AHMED

Doorashadii Dr. Abiy waxa ay ahayd mid cid waliba taxadar ay ka muujinaysay, tusaale ahaanTPLF amaba Tigreegu waxay ahaayeen kuwo ku khasbanaa xulashadiisa oo aan haysan waddo kale. Shucuubtii gaddoodsanayd gaar ahaan Oromadu waxay ka qabeen shaki wayn xulistiisa, maxaa yeelay wuxuu ahaa sargaal la soo shaqeeyey Tigreega iyo xubin ka tirsan EPRDF, sidaas daraadeed waxay kaga kalsoonaayeen Lemma Megersa madaxwaynaha kililka Oromada. Cid waliba waxa ay eegaysay tilaabooyinka uu qaadi doono. Markiiba waxaa soo baxday sida uu u doonayo inuu uga madax banaanaado siyaasaddii hore ee EPRDF. Waxa uu qaaday tilaabooyin waawayn oo ku aadan xagga islaaxa. Markiiba waxaa caddaatay inuu dhabarka u jeedinayo Tigreega. Waxaa la siidaayey siyaasiyiintii mucaaradka ee xabsiyada ku jirey. Waxaa nabad loogu baaqay liiskii argagaxisadana laga saaray ururadii hubaysnaa. Waxa uu heshiis la saxiixday dawladda Eriteriya. Waxa uu si cad cafis ugaga dalbaday shacabka itoobiya. Dhamaan siyaasaddaas dadyow ayay ka farxinaysay kuwana way ka caray siinaysay.

GFG.jpg?resize=600%2C338&ssl=1Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Inkasta oo tilaabooyinka raysal wasaaruhu ay yihiin kuwo si xawliya oo fudayd ku jiro loo qaadayo, haddana waxaa jira dad aaminsan inay yihiin kuwo si ku talagala loo qaadayo. Waa tilaabooyin intooda badan la doonayo in lagu mideeyo quluubta shacbiga Itoobiya laguna hilmaansiinayo cabsida ka muuqata xilliga kala guurka. Qayb ka mida tillaabooyinkaan ayaa xirriir la leh geopoliticalka mandiqadda iyo galaangalka Emaaraadka ee geeska Africa, Laakiin durba waxaa soo baxay dad walwal ka qaba qaabka ay wax u socdaan. Masalan ururka dhalinyarada Oromada oo layiraahdo Qeeroo ahna cidda ugu wayn ee isbadalkan suura gelisay ayaa waxay aad uga shakisan yihiin in raysal wasaaruhu u gacangalo dabaqadda sare ee qawmiyadda Amxaarada kuwaas oo doonaya inay af-duubaan kacaankii dhalinta Oromada. Dhalintaan ayaa waxay doonayaan isbadal dhaba iyo doorasho xora oo dalka ka dhacda. Dhanka kalana Qeeroo ayaa lagu eedeeyaa qaybo ka mida xasilooni-daradda dalka ka jirta, sida middda iminka u dhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada iyo tan ka dhex aloosan qoomiyadaha Oromada iyo reer koonfureedka. Waxaa kale oo Qeeroo lagu eedeeyaa kicinta shacabka Oromada iyo nacaybka qoomiyaddaha kale loo qabo, taas oo uu raysal wasaaruhu ka baqayo inay faraha ka baxdo. 

MUSTAQBALKA ITOOBIYA MUGDI BAA KU JIRA

Dhul-waynaha Itoobiya oo lagu qiyaaso inay ku noolyihiin in kabadan boqol milyan oo qof ayaa waxa uu ka kooban yahay qowmiyado iyo shucuub aanay jirin wax mideeya. Waa shucuub ku kala gadisan diin, af, dhaqan, dhalasho iyo taariikh in taba. Isu keenista iyo isku haynta shucuubtaan ayaa la kowsatay magaca Itoobiya oo ah midaan ka waynayn boqol sano, ogow dalkaan horay waxaa loogu aqoon jiray Abyssinia oo ahaa magaca qawmiyadda xabashida. Si magacaan iyo dawladdaan loo dhiso, labadii boqol oo sano ee u dambaysay waxaa loo daadiyey dhiig fara badan waxaana loo dhacay dhul fara badan. Laga soo bilaabo xukunkii boqor Todros illaa EPRDF waxaa wax lagu maamulayey xoog, haddaba su’aashu waxay tahay iminka xeel wax ma lagu maamuli karaa? Su’aasha kale ee iyana muhiimkaa ayaa ah Itoobiya maka gudbi kartaa imtixaanka kalaguurka?

Jawaabaha su’aalahaani aad ayay u adagyihiin maxaa yeelay dalal dhawra oo leh dabeecado la mida kuwa Itoobiya ayaa horay ugu fashilmy imtixaano mid kaan la mida. Tusaale ayaa waxaa inoogu filan Midowgii Soofiyeeti oo ka koobnaa shucuub aan waxba ku midaysnayn. Madaxwayne Gorbachev marna kama go’nayn inuu kala diro Soofiyeedkii ee wuxuu damacsanaa inuu dhiso dal qaniya oo furfuran, laakiin shucuubtii xoriyadda hamuunta u qabtay ayaa la dhaafin kari waayey imtixaankii kala-guurka, taas ayaana sababtay in dawladdii aduunka ugu itaalka roonayd ay noqoto wax taariikhda lagu barto.

Waxaa iyana tusaale kale inoogu filan dawladdii Yuguslafiya oo martay dariiq la mida midkii uu maray Soofiyeedku, ka dib kolkii ay ka gudbi kari wayday imtixaankii kala guurka una kala baxday illamaa todoba dawladood.

Itoobiya ayaan waxba uga gadisnayn tusaalayaashaan kore marka laga reebo dhawr wax oo ay dheertahay. Taariikhda, dhaqanka iyo afka intaba waxaa iska leh shacbiga Amxaarada oo ah cidda kaliya ee aaminsan mulkiyadda dalka. Dhamaan shucuubta kale ayaa ka midaysan inay siyaado ku yihiin Itoobiya. Qoomiyad waliba waxay soo yeelatay amaba leedahay urur gobanimo doona. Dhamaan ururadaan ayaa usoo diriray xoraynta shucuubtooda. Itoobiya ayaa ah wadanka kaliya ee si cad ay dastuurkiisa ugu taal in qomiyad waliba markay doonto ay ka bixi karto midowga dawlad-goboleedyada. Waxaa jira kala qaybsanaan iyo khilaafyo siyaasadeed oo u dhaxeeya dhamaan shucuubta dalkaan. Waxaan laga midaysnayn qaabka ay noqon doonto Itoobyada cusubi.

Tusaale, Tigreega oo ah qoomiyaddii dalkaan  muddadii u dambaysay xukumaysay colaad guunana loo qabo ayaan doonayn inay ka mid noqoto Itoobiya ku dhaqmaysa wax ka hooseeya nidaamka faderaaliisimka. Oromada oo iminka u muuqata inay talada hantiyeen ayaa ukala qaybsan dhawr qaybood. Jawar Mohamed oo ah maskaxdii ka dambaysay kacdoonkii Oromada ayaa wata ajande qoomiyadeed oo ah Oromia First. Dhawaan mar uu Jawar booqday gobolka oromada waxaa lagu soo dhaweeyey khariiradda cusub ee oromiyada cusub oo ay ka muuqato dhulal ay shucuub kale lee yihiin. Jamhadda OLF oo waligoodba u dirirayey gobanimada Oromada iyo inay helaan dal la yiraahdo Oromia ayaan la aqoon inay ka tanaasulayaan fikradaas iyo in kale. Dabaqadda sare ee oromada oo ah indheer-garadka oromada una badan oromo masiixiya oo waligoodna gacan-saar la lahaa amxaarada ayaa aaminsan inaan laga fogaan amxaarada.

Amxaarada oo sidaan soo sheegnay ah cidda kaliya ee aaminsan lahaanshaha Itoobiya ayaan doonayn inay iminka safka hore ka muuqdaan laakiin leh qorshe iyaga gooni u ah, oo ah inay mar labaad dib xukunka ugu soo noqdaan iyaga oo umaraya xeel walba. Si ay siyaasaddaasi u hirgasho waa in marka hore Tigreega laga takhalusaa iyada oo loo sii maraya Oromada, ka bacdina xal loo helaa Jawar Mohamed iyo dhalinta kacdoonka oromada iyada oo loo sii marayo Abiy Ahmed iyo dabaqadda sare ee Oromada. Qoomiyaddaan ayaa doonaysa inay ka taliso Itoobiya xoog badan oo leh nidaam dhexe oo ay awooddu uruursan tahay.

Qowmiyadda Soomaalida oo aan wax horumara ka samayn xagga siyaasdda muddadii u dambaysay kana mid noqon qowmiyadihii dawladdu u disnayd ee EPRDF ayaa waxaa ka muuqda kala qaybsanaan iyo hubaal la’aan siyaasadeed. Laakiin haddii ay xal u helaan khilaafkooda waxaa hor taal fursad ka fiican tii soo martay sanadkii 1991 dii. Isku soo wada duuboo lama saadaalin karo inay Itoobiya imtixaankan ka gudbi doonto iyo in kale. Xitaa hadii ay ka gudubtana lama hubo inay noqon doonto dal xasilooni siyaasadeed ka jirto iyo in kale, maxaa yeelay daraasad ay samaysay jaamacadda Oxford uuna hormuud ka ahaa Paul Colliar oo ah cilmi baare sare oo ku takhasusay Afrika, ayaa lagu sheegay in dal walba oo dhaqaalaha qofku ka hooseeyo saddex kun oo doollar qof kiiba, marka loo qaybiyo dakhliga guud ee GDP ay dimuquraadiyaddu u horseeddo xasilooni daro. Haddii ay yihiin shucuub ku kala gadisan wax walba sida Itoobiyana xaalku waa alow sahal.

GUNAANAD

Waxa aynu iminka nimid guntii iyo gabagabadii qormooyinkeenii taxanaha ahaa. Waxa aynu u imaanaynaa arintii sababta u ahayd inaynu qormooyinkaan qorno oo ahayd shirkii jaraa’id ee muranka dhaliyey, ee ay wada jirka u qabteen madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Abiy, kuna saabsanaa dakadaha Soomaalida iyo midaynta labada dal.Waxaynu si dulmara u soo baranay dhacdooyinkii dhax maray masiixiyiintii amxaaradu hoggaaminaysay iyo muslimiintii Soomaalidu hoggaaminaysay lixdii boqol oo sano ee u dambaysay. Waxa aynu soo ogaanay in dhibaatooyinkii labada shacab dhex yaalay ay ka waynayd colaad u dhaxaysay labo qof (Mohamed Siyaad iyo Mingiste) siduu sheegay Dr Abiy. Waxa aynu soo ogaanay waxa u dhaxeeyey ama iminka u dhaxeeya shucuubta Itoobiya iyo kifaaxii ay soo mareen dadka Oromadaa.

Somalia_Itoobiya_Xamar.jpg?resize=600%2CMadaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Abiy, June 16, 2018, Muqdisho

Waxa aynu soo aragnay sida diinta islaamka loola diriray oo boqolaal kun oo muslimiin ahaa looga saaray. Waxa aynu soo aragnay sida dad iyo dal Soomaaliyeed ay Itoobiya maalin cad uqaadatay. Waxa aynu garawsannay sida Itoobiya aysan iminka u ahayn dal ay ka jirto xasiloono-siyaasadeed ee ay tahay dal aan la saadaalin karin mustaqbalkiisa dambe. Waxa aynu ognahay in siyaasadda Itoobiya aysan wali sal dhigan oo ay jiraan xoogag aragtida iyo taladaba ku kala gadisan. Waxaynu ognahay in sadexda qawmiyadood ee ugu tunka wayni mid waliba ay siyaasaddeeda wadato walina aan hoos laysula degin.

Haddaba waxaa laga yaabaa in tillaabooyinkii siyaasadeed ee uu raysalwasaaruhu qaadayey iyo shirkaan jaraa’idba ay ahaayeen kuwo loogu laab qaboojinayey shacbiga Itoobiya  laguna dhayayey boogaha dhexdooda ka jira, ama lagu hilmaansiinayey cabsida ka soo muuqata xilliga kalaguurka. Laakiin su’aasha xiisaha leh ayaa ah madaxda Soomaalidu sidaas ma u fahantay? Shaki kuma jiro inaanay unfahmin si ka gadisan sida muwaadinka caadigaa ee aan xogta iyo taariikda midna hayni uu u fahmay.

 

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi.

Fiiro gaara: qoraaladaan waxaa saldhig u ahaa daraasad iyo xog-uruurin uu in muddaa qoraagu ku samaynayey geeska Africa gaar ahaan taariikhda Ethiopia.

Mahadnaq: waxaan u mahad naqayaa dhamaan akhristayaashii ku taxnaa qoraaladaan iyo maamulka iyo hawl-wadeenada PUNTLAND POST oo si hagar la’aana usoo gudbinayey.

Cududdaar: qoraaaladaani maahayn kuwo si dhamaystiran uga hadlayey taariikhda mandiqadda ee waxay ahaayeen kuwo si guud-mara usoo koobayey wixii ka jirey mandiqadda saddexdii kun ee sano ee la soo dhaafay.

Tixraac.

1- the history of Herodotus by Herodotus Helicarnassus 500bc

2- Periplus of Erythraei sea

3- Narritive of the Portuguese ambassy to Abbysinia 1520–1527 by Francisco alvarez

4- Mamaalik Al-absaar, ibn Fadlullaahi  Al-Cumari

5- Al-ilmaam man bi ardil-Xabasha min muluuk al-islaam, Haafidu Taqiyudiin Al-maqriisii

6- Majmacul Buldaan, Yaaquut Al-xamawi

7- Al-masaalik wal Mamaalik, Istikhrii

8- Nus-hatul Mushtaaq Fii taariik Al-aafaaq, Shariif Al-idirisii

9-Rixlatu ibn Batuuta: Abu Abdullahi Muhamed ibn abdalla Ibn Batuuta

10- Juquraafiya Ibn Said.

11-Bruce’s Travels and adventure in abbyssinia, by J.M. Clingac

12- The Highlands of Ethiopia by Major Harris

13- Futuux Al-xabasha, Shihaabudin Ahmed ibn Abdulqadir

14- Islam in Ethiopia by Trimingham

15- Al-cilaaqaat asiyaasiya bayna muslimay Zaylac wa nasaara Al-Xabasha by Rajab Muhamed abdihalim

16- First footsteps in east africa Sir Rechard Burton

17- The arab factor of somali history by Ali abdirahman Hersi

18- Shaping of Somali socaity by Lee Cassanelli

19- The history of Harar and Hararis

20- Taariikhdii Daraawiishta Aw-Jaamac Cumar Ciise

21-The east african protoctrate by Charles Eliot

22-the land of Zinj by C.H. Stigand

23- Halgan iyo hagardaamo, Cabdullaahi Yusuf

24- Buqyatul aamaal fii taariikh a soomaal, Shariif Caydaruus al Calawi

25- waraysiyo ay idaacadaha BBC iyo VOA ay ka qaadeen xog-ogaallo Soomaaliyeed

26- muruuj a-dahab, al-mascuudi abu Hassan ali ibn al-hussein

27-I.M lewis.pastoral democracy

28- the history of galla and somali, Herbert S. lewis

29- wargaysyada Washington post iyo New York times cadaddadii soo baxay xilligii dagaalka 77

30- Wars, Guns and Votes by Paul Colliar

31- Al-islaam wal Xabasha cibra taariikh by Fatxi Qayth

32-Abdirzak Haji Hussein: My role in the foundation of the Somali nation-state

The post Taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano –Qaybtii 9aad: Waaga cusub ee Itoobiya iyo xulashada Abiy appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this