Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Mas’uuliyiinta Marqaatiga Ka Noqon-doona Heshiiska Itoobiya iyo iyo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudiga ayaa maanta martgelineysa heshiis lagu soo af-jarayo xiisadda Itoobiya iyo iyo Eritrea, taas oo socotay in ka badan 20 sano.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk oo haatan ku sugan Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay saxiixaan heshiiskan uu in muddo ah Sacuudiga ka shaqeynayey.

Waxaa Sidoo kale kulanka jooga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, guddoomiyaha guddiyada Midowga Afrika Musa Faki Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kale, Sacuudiga waxaa uu wadaa dadaal kale oo lagu heshiisiinayo dalalka Eritrea iyo Djibouti kuwaas oo iyagana ka dhex jiro muran xagga xadka ah.

Wararkan, Kala soco, Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this