Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo laga reebay ka qeeybgalka Shirka Nabadeeynta Itoobiyo&Ereteria

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Sucuudiga ayaa wada Qorshe lagu nabadeeynayo Wadamada Dariska Ah ee Itoobiya iyo Ereteria oo Muddo Colaad baahsan ay ka dhaxeeysay.

Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameeystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga.

Waxaa durba halkaasi Goordhow oo caawa ah ah tagay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Cumar Afarwaaqi Madaxweynaha Dalka Erateria.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in ay madaxdaasi kala saxiixdaan in ku dhow 30-Sano oo colaad ay dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretirea.

Madashaasi lagu dhameeystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay Qaar kamid ah wadamada Afrika.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Soomaaliya aan shirkaasi lagu casuumin.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado Dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameeyneeyso Qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay.

Dhowaan Madaxweynaha Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay ka qeeybgalay shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa.

2-Afowarqi.jpg?resize=528%2C720&ssl=1 1-Abiy.jpg?resize=523%2C720&ssl=1

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Soomaaliya oo laga reebay ka qeeybgalka Shirka Nabadeeynta Itoobiyo&Ereteria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this