Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf Maxuu ka yiri xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Galabta ay sheegeen in Xildhibaano ku shiray Cadaado in ay xilka ka qaadeen ayaa ka hadlay sida uu u arko arintaasi.

Xaaf ayaa qaadacay islamarkaasina ka soo horjeeystay in xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah islamarkaasina uu isaga yahay madaxweynaha Sharciga ah ee Gal-Mudug.

Xaaf ayaa sheegay in Cali Gacal Caseyr dhowaan xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug islamarkaasina aanu sharci aheyn xil heeyntiisa.

Xaaf ayaa sheegay in 9 Xildhibaan oo kale ah ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Gal-Mudug.

“Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Xaaf.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxda sare ee Gal-Mudug oo iyaga midba midka kale uu sheegay in xilka laga qaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xaaf Maxuu ka yiri xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this