Deeq A. Posted September 15, 2018 Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 qof oo lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshabaab. Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin Alshabaab iyada oo Maxkamadda ay ku kala riday xukunno kala duwan. Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee kala ah Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ah Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites