Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan jabhadda Caarre oo beeniyay in uu la heshiiyay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland” ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa gebi ahaanba beeniyay in uu ka baxay jabaddaas,islamarkaana la heshiiyay maamulka Muuse Biixi.

Korneylkan oo lagu magacaabo,Jamaal Ducaale Maxamed(Jamaal Baaxad)ayaa horay u ahaa,abbaan-duulaha guutada saddexaad ee militariga Somaliland,waxaana uu ka goostay 11 bishii Agoosto ee sannadkaan,isagoo ku biiray jabhad uu gobolka Sanaag ka as’aasay Korneyl kale oo lagu magacaabo,Siciid Cawil Jaamac(Caarre).

Hase yeeshee warbixin maalmo ka hor lagu daabacay wargees ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay, in sarkaalkan lagu magacaabo Jamaal Baaxad uu heshiis la gaaray maamulka haatan ka dhisan Somaliland,islamarkaana dib uga soo goostay jabhadda Caarre.

Korneyl.Jamaal Baaxad oo sida uu sheegay xilligaan ku sugan buuraleyda”Hal-dhaagan” ee qiyaastii 30km waqooyi kaga beegan magaalada ceerigaabo ee gobolka Sanaag,ayaa sheegay in si cad loogu been abuurta oo aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu heshiis la gaaray xukuumadda Muuse Biixi.

Baaxad ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in uu diyaarinayo weerarro uu ciidamada Somaliland kaga soo qaado dhanka buuraleyda gobolka Sanaag,isagoo fulinaya amarka hoggaamiyaha jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland” Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre).

Jabhaddaas ayaa la sheegay in ay udub-dhexaad u yihiin saraakiil sare oo dhammaantood ka goostay ciidamada Somaliland,waxaaana kamid ah;Muuse Axmed Yuusuf{Dheereeye),Siciid Cawil jaamac(Caarre) iyo Gamaal Ducaale Maxamed(Baaxad).

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan jabhadda Caarre oo beeniyay in uu la heshiiyay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this