Deeq A. Posted September 15, 2018 Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka dhacay kulankooda 2aad, kalfadhiga 4aad. Goobjoog News, waxaa ay akhrisyaasheeda u soo gudbineysaa ajendayaasha kulanka xoogga lagu saaray. Ajendaha: 1-Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. 2-Dooda Xeer-hoosaadka golaha Shacabka oo qodob qodob ah. 3-Qeybinta Hindise sharciyeedyada yaala golaha shacabka oo kala ah: 4-Hindise sharciyeedka , Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah. 5-Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga. 6-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Lr-kiisu yahay 34 ee soo baxay 14 bishii 4-aad ee sanadkii 1972. 7-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka sharciga Lr 11 ee 5ta Dhish,2006 ee Shaqaalaha rayidka. 7-Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites