Sign in to follow this  
Deeq A.

Keating: Cadaalad xumida ka jirta Somalia waxa ay sababtay in loo cadaalad doonto AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somali ee uu xilka ka dhamaaday Michael Keating, ayaa si adag uga hadlay cadaalad daro uu sheegay inay ka jirto Somali.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay ragaadisay cadaalad daro ka jirta dhanka sharciga, waxa uuna tilmaamay in aad ay u hooseyso cadaalada.

Waxa uu tilmaamay in awooda Sharciga Somalia uu yahay mid aad u liita taasina xiliyada qaar ay sababto in uu dhaco musuq-maasuq badan.

Michael Keating, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ka dayrinayo hanaanka Caddaaladda Somalia oo uu carab ***** in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu hooseeyay.

Waxa uu sheegay in hoos u dhaca cadaalada Somalia ay sabab u noqotay in dadka shacabka ah ay fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale oo ay kamid tahay Shabaab.

Waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay mid muhiim ah, hase yeeshee markii laga waayay dowlada Somalia ay shacabku ku dhiiradeen inay u raadsadan dhinacyo ay kamid yihiin Al-Shabaabka.

“Waa arrin xaqiiq ah uma baahna in qaab kale loo dhigo xeerka sharciga Somalia waa mid daciif ah oo aad u hooseeya, Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in uu istaago oo loo waayo dad loogu shaqeeyo”

“Awooda ayaa weli ah mid xadidan, dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo, Inta badan, dadku waxay u jeedaan dhanka  Al-Shabaab , halka ay ka aadi lahaayeen dhanka dowladda”

“Marka la’eego dhanka cadaalada waxa ay shacabku dowlada kaga kalsooni badan yihiin Al-Shabaab waayo waxan jirin cadaalad loogu shaqeeyo shacabka”

Michael Keating, waxa uu sheegay in musuq maasuq daran uu ka jiro Somalia, taasina ay saameyn doonto dadka aan la heyn awoodaha ee Saboolka ah.

“Musuqa ka jira dhanka cadaalada Somalia waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dadka saboolka ah oo aan heysan dhaqaalihii lagu iibsan lahaa cadaalada, waxa ay doorbidayan cadaalada Al-Shabaab”

Bilihii lasoo dhaafay dowladda Somalia ayaa waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay gaar ahaan kan ka dhex jira cadaalada iyo xafiisyada dowlada, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga loo dhigay musuqa.

Geesta kale, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan isbedel ku sameeyay Maxkamadaha dalka si loo helo cadaalad ka duwan mida laga cawanayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this