Som@li Posted March 19, 2004 Xaliimo Khaliif Magool Oo Maanta 19/03/04 Wadanka Holand Ku Geeriyootay Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Xaliimo Khaliif Magool ayaa ku geeriyootay wadanka Holand. Fanaanada ayaa la sheegay inay u geeriyootay xanuunka Dhiig karka. Fanaanada ayaa ku jirtay cusbital ku yaala Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland halkaasoo ay maanta ku geeriyootay. Magool ayaa iyadu ahayd fanaanad si weyn looga qadariyo wadanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah wadamada Afrika sida wadanka Itoobiya iyo Suudaan. Heesaha magool ayaa boqolaal kor u dhaafay inkastoo ay jireen dhaliilo loo soo jeedinayey xiliyadii dagaaladii sokeeye. Webmaster@goobjoog.com Alle ehelkeedii asxaabdeedii,Samir iyo imaan ha kasiiyo,,iyo janadii ha ka waraabsho..amiiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Instinct.Poet Posted March 19, 2004 Allaha U Naxariisto.. May allah forgive her of all her past.. Aamiin... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sister_Somali Posted March 19, 2004 Allah Ya Rahma Rahimiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jaabir Posted March 19, 2004 Ilaaahu oo danbi dhaaf.. qabrigeeda na oo nuuri.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted March 19, 2004 May the Almighty rest her soul in eternal peace.She was the one of the greatest there ever was. Amiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted March 19, 2004 Allaha unaxariisto... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macalin Posted March 19, 2004 allaha U Naxaristo XQM Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted March 19, 2004 May Allah forgive her! Quote Share this post Link to post Share on other sites
LuCkY Posted March 19, 2004 May SHe REst In Peace. Quote Share this post Link to post Share on other sites
QUANTUM LEAP Posted March 20, 2004 May Allah rest her soul in Peace Quote Share this post Link to post Share on other sites
macalimuu Posted March 20, 2004 Fanaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Magool oo maanta geeriyootay Jimco, March 19, 2004 Waxaa maanta duhurnimadii ku geeriyootay cusbitaal ku yaala magaalada Amsterdam ee dalka Holland fannaanaddii caanka ahayd ee dalka soomaaliyana sida weyn looga jeclaa Xaliimo Khaliif Cumar Magool. Marxuumadda ayaa u geeriyootay cudurka dhiig karka oo ay indhawaalaba ay la il-darneyd, iyadoo ka mid ahayd fannaaniinta soomaaliyeed ee aan dalka meelna uga bixin mudadii bur burka, taasina ayaana la rumeysan yahay in uu cudurkaasi ugu dhacay maadaama cudurka dhiig karka uu ka mid yahay cudurada ay xaaladuhu keenaan, gaar ahaan marka qofka uu galo marxalad ka adag tii uu markiisii hore ku noolaa. Marxuumad Xaliimo intii aysan ka amba bixin magaalada Muqdisho ayaan kula kulmay Hotel-ka Amiira ee magaalada Muqdisho, xiligaasi oo fanaanada laga dareemi karay is-bedel dhinaca muuqaalkeeda ah, inkastoo ay ii sheegtay in ay ka soo yara ladnaaneyso cudurka dhiig karka, waayo waxaan ogaa mar iyadoo xanuunsan la keenay Cusbitaalka Cumar Bin Khadaab ee agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, xiligaasoo uu la socday amaba uu cusbitaalka wax ka keenay Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo xiligaas ladnaa haseyeeshee isaga qudhiisa haatan uu haleelay cudurka dhiig karka, waxaadna arkeysaa Cabdi Tahliil oo aadan aqoonsaneyn marka uu kaa horyimaado ilaa aad isha u cel celiso mooyee, waxaa kale oo uu isna cudurkaan haleelay fanaanka kale ee Xasan Diiriye Faarax oo uu isna lug iyo gacan ka naafeeyay, wuxuuna ku tukubaa bakoorad. Waa xusid mudan in fannaanada ay markii ugu dambeysay sheegtay in ay dhinaca fanka ka faraxalatay isla markaana ay u soo jeesaneyso cibaadada alle, iyadoo xustay berigaas in ay damacsan tahay in ay masjid dhisto, isla markaana inta cimrigeeda ka dhiman ay cibaadeysato, waxayna geeriyootay iyadoo fikirkaas qabta. Si kastaba, alle ha u naxariistee markii ay maanta maqleen dadka Muqdisho geerida fannaanadaas alle ha u naxariistee aad ayay uga tiiraanyoodeen, waxaana idaacadaha Muqdishi qaarkood ay sii daayeen heesaheeda, gaar ahaan kuwii ka hadlayay wadaniyadda iyo nabi ammaanka, waxaana la isla gartay in ay meesha ka baxday fannaanad weyn oo magac iyo maamuus ku dhex lahayd dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Haddaba ma dhinte waa Illaah qof kastana wuu dhimanayaa, waxaana leenahay fannaanadda alle ha u naxariisto, qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo weliba dhamaan shacabka soomaaliyeed-na samir iyo iimaan alle haka siiyo. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. By: Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online saladxiis@yahoo.com Mogadishu , Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 20, 2004 Salaan... Ilaahey ha u danbi dhaafo, aamiin, aamiin... Ilaahaa weyn oo waaxid eh ha u naxariisto, aamiin, aamiin... Maanta maanta, maanta... yaa iloobi karo iyo qofkii qaaday. Magooleey, Allaha hakuu raxmado hana kuu danbi dhaafo, aamiin Allahayoow aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
LadyDotNet Posted March 20, 2004 Inna Lillahi Wa Inna Ilayhi raajicuun Every soul will taste death, may Allah forgive her sins. Amiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nubian-Queen Posted March 20, 2004 bad news wallahi.. Allah u naxaristo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted March 22, 2004 May Allah wash away her sins and rest her soul in peace...Amiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites