Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo amar adag kusoo rogtay dadka la shaqeeya xagjiriinta SOMALIA ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wasaarada amniga ee dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada maamulka laga mamnuucay dhamaan dadka xiriirka la leh xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Shir Jaraa’id oo si wada jira ay u qabteen Wasaarada iyo maamulka Degmada Baardheere ayaa waxaa dadka deegaanka lagu ogeysiiyay in kuwooda xiriirka la leh Al-Shabaab ay isaga baxaan deeganka ka hor inta aan loogu tagin goobaha ay ku sugan yihiin.

Waxaa shirka Jaraa’id lagu sheegay in dadka wada shaqaynta la leh Al-Shabaab aysan ku noolaan doonin degaannada Jubbaland, waxaana lagu war galiyay in ay fursad u heystaan inay ka baxaan deegaanada maamulka.

Maxamed Cabdi Kaliil, Wasiiru Dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aysan Odoyaasha degaanku shir u aadi karin goobaha ay joogaan Al-Shabaab, cidii ammarkan ka dhega adeegtana aysan dib ugu soo laaba karin Magaalada Baardheere.

Waxa uu sheegay in Odayaasha ay sida Shabaab ula dagaalami doonaan haddii ay isku dayaan inay shirar ugu socdaalan deegaanada ay heystan Al-Shabaabka.

Sidoo kale, Madaxa Maaliyadda ee Maamulka Degmada Cumar Ibraahim Aadan, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay iminka qabteen xubno ka tirsan xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab kuwaa oo uu ku sheegay Shan xubnood oo Shabaabka kala shaqeyn jiray dilalka iyo Qaraxyada.

Arrintani ayaa ka danbeysay kadib markii maamulka Juballand uu ku dhawaaqay dagaal ay la galayaan xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this